5595 Views

C/wali Gaas iyo Maamulkiisa oo Bannaka soo dhigay cadaawada uu u qabo shariif Xasan

C/wali Gaas iyo Maamulkiisa oo Bannaka soo dhigay cadaawada uu u qabo shariif Xasan
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 27 December 2015: Golaha Wasiirada Puntland oo kulan dag dag ah isugu yimaadeen ayaa ka hadlay Maamulka Loogu walqalay Bakool Sare ee Looga Dhawaaqay Deegaano Kamid ah Gobalka Bakool

Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo shir guddoominaayey kulankooda ayaa ka dooday xaaladda nabad gelyo ee Deegaanada Puntland, waxaana ay warbixin guud ka dhegeysteen Wasiirka Amniga Puntland kaas oo lagu sheegay war murtiyeedka in amnigu yahay mid la isku haleyn karo Xiligan.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa golihiis wasiirada u soo jeediyey in la gaarey xiligii isla xisaabtanka isla markaana wasiir kasta la weydiin doono waxa uu ka qabtey wasaraadiisa mudadii sanadka ahayd. Isla xisaabtanka ayaa bilaaban doona 2 Janaayo Sanadka Soo Socda ee 2016, waa sida uu yiri Madaxeynaha Puntland.

Golaha Xukuumadda ee Puntland ayaa ka wada hadley xaaladda gobolka Bakool, halkaas oo maalmihii u danbeeyey uu shir uga socdey dadka degan saddex degmo oo kamid ah gobolka Bakool kadib markii maamulka Koonfur Galbeed ay ku eedeeyeen Xildhibaano kamid ah Baarlamaanka in dadka deegaanka eysan ka helin Xaqoodii Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Shirkaa asaga ah, waxaa ka soo baxay maamul loogu magacdarey Bakool Sare oo ay ku mideysan yihiin dadka deggan Bakool Sare, kaas oo leh Madaxweyne iyo Kuxigeenkiis, balse qor ka maamusho Itoobiya.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegtey in ay taageero u muujinayaan maamulka Bakool Sare oo ka koban degmooyinka Ceelberde, Yeed iyo Aato, iyo Madaxweynaha maamulkaas. Puntland ayaa sheegay in wax lagu farxo uu yahay in shacabka halkaas deggan ay aayahooda ka tashadeen kadib markii codkooda la maqli waayey, qaddarina ka waayeen maamulka ay hadda jaarka yihiin sida war muriyeedka loo dhigay.

Warmurtiyeedka ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxweynhu xariga ka jari doono garoonka diyaaradaha ee Bosaso 8 Janaayo 2016, maalinta ku xigtana si toos ah u shaqo bilaabi doono.

Hadalka Kasoo Baxay Maamulka Puntland ayaa Soo Dadajinaya Shakiga Laga Qabi karo in qorshaha kasocda Bakool ay Majaraha uhayaan Maamulada Jubaland iyo Puntland oo sida Muuqata Dagaal Hoose Kala Dhexeeyo Maamulka Koonfur Galbeed ee uu Madaxweynaha Ka Yahay Shariif Xassan Sheekh Aadan

Arrintaan ayaa waxaa isku bahaystay Madoobe iyo Gaas oo labaduba ka baqayaan in Sharif Xasan oo gacanta ku dhigo Jubooyinka.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment