6576 Views

Qarax ka Dhacay Degmada Shibis

Qarax ka Dhacay Degmada Shibis
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho, 10 January 2016: Qarax miino ayaa saaka ka dhacay degmada Shibis, gaar ahaan xaafada Maana-booliyo, iyadoo qaraxaas uu ahaa midka baaburta lagu xiro, waxana waxyeelo ka soo gaartay labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa darawalkii gaariga waday.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya in gaariga oo ahaa kuwa raaxada uu ku xirnaa aalada qaraxa magnada leh ee baabuurta lagu dhejiyo, iyadoo uu qarxay xilli uu marayay agagaarka Isgoyska Maana-booliyo.

Waxaa kale oo la sheegaya in darawalka uu ka booday gaariga, ka hor inta uusan qarxin, markii la sheegay inuu dareemay inay wax ku xirnaayeen.

Ninkan oo ka shaqeynayay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa dhaawacissa uu aha mid fudud, waxana looo qaaday asaga iyo kale, Isbitaalka si loo daweeyo.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo goobta soo gaaray, kuwaasoo baaritaano sameeyay, waxaana labada ruux ee dhaawaca gaaray loo qaaday goobaha caafimaadka.

Beryahaan waxaa Magaalada Muqdisho ku soo badanayay qaraxyada baabuurta gaarka loo leeyahay lagu xirayay, kaasoo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaara dadka wata ama goobta ku dhaow.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment