3426 Views

Shirka wada Tashiga Qaran oo Mar kale Dib u Dhacay.

Shirka wada Tashiga Qaran oo Mar kale Dib u Dhacay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 11 January 2016: Shirka wada tashiga oo Kismaayo lagu qaban-lahaa loogana hadli lahaa hanaanka doorashooyinka ayaa lagu soo waramayaa in uu mar kale dib u dhac ku yimid, iyadoo wafuuda ka qeyb galeysa shirkaas ay wali ku qul qulayaan.

Maxamed Warsame Darwiish oo ahWasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay inay dhici karto in shirka maanta dib u dhaco, maadaama aysan soo wada dhameystirmin madaxda la filaayay.

Wasiir Dawiish ayaa sheegay in inta badan wafuuda ay shalay soo gaareen, maantana la filayo inuu yimaado Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa uu sheegay in sababaha shirka dib uga dhacayo ay tahay, iyadoo Madaxda ay maalmahan safaro ku tageen Boosaaso, Cadaado iyo Muqdisho, sidaas oo ay tahayna madaxda oo daal ka muuqata aanay suura geli karin in maanta shirka furmo.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda qaban qaabada shirka, waxaana Madaxda ku sugan ay leeyihiin shirar gaar gaar ah.

Waxaa la sugayaa in magaalada uu ka dhaco shir lagu dhameystirayo heshiiskii Gaalkacyo ee u dhaxeeyay Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana kulankan garwadeen ka ah Maamulka Jubbaland.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan wafuud ka socota beesha Caalamka oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya oo xalay ku hoyday Kismaayo.

Maalinta berri ayaa la sugayaa in uu si rasmi u furmo shirka in kastoo an la hubin. Madashaan ayaa jiitameeysay baryahaan dambeeyay, sabatuna lagu sheegay is qab-qabsiga ka socda Dowlada dhaxdeeda iyo Maamulo Cusub oo hada is caleema saaray.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment