4158 Views

Wasiiro ka tirsan DF Somalia oo ka guuraya Villa Somalia,Cabsi darteed!!

Wasiiro ka tirsan DF Somalia oo ka  guuraya Villa Somalia,Cabsi darteed!!
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24 January, 2016: Warar hoose oo naga soo gaaraya Villa Somalia, ayaa sheegaya in qaar kamid ah Wasiirada Xukuumada Somalia ay isaga barakacayaan Xarunta Madxatooyada.

Wasiiradaani ayaa walaac kasoo foodsaaray hadal kasoo yeeray maleeshiyada Al-shabaab, waxaana lasoo warinayaa in si KMG ah ay usii dagayaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedka ayaa xaqiijinaaya in madaxda ugu sareysa dalka ay soo foodsaartay cabsi, xili dalka Somalia ay kusoo qulqulayaan maleeshiyaadka Al-shabaab oo laba jibaaray duulaankii ay ku hayeen Xarunaha Dowlada.

Iridka gadaale ee Villa Somalia ayaa lagu daadiyay ciidamo aad u badan kuwaasi oo koofi cas ah, waxaana la tilmaamayaa in ujeedka uu yahay ka hortag weerar ku wajahan Villa Somalia.

Fariimo ay qeybiyeen maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay inay ku goodiyeen weerar culus oo ay ka fulin doonaan gudaha aqalka looga arrimiyo Somalia.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonaan haddal maalin un ka hor kasoo yeeray Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud kaasi oo ahaa in weeraradii Villa Somalia ay maleeshiyada Al-shabaab u weeciyeen goobaha ay ku shaahaan Bulshada.

Geesta kale, Madaxda ugu sareysa dalka ayaa dareen gaar ah ka muujinaaya cabsida iyo goodinta kaga imaaneysa dhanka maleeshiyada Al-shabaab.

Hadii ay run noqoto in Wasiirada ay cabsi darteed uga guuraan Villa Somaaliya, maxay u sheegi doonaan Bulshada iyo Wadanka ay matilaan?

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment