9480 Views

GEERIDU WAA XAQ, QOF KASTANA WAA SUGAYAA!

____________________________________________________________________________

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN, MADHINTE WAA ALLE!!,

Marxuum, Cabdi Xaaji Goobdoon, wuxuu ahaa shaqsi aad loo tabi doono, haday noqon lahayd dhica Saxaafada ama Wadani nimadda, waxuuna ka mid ahaa Shaqsiyaadka tirada yar ee ka haray dadkii hore ee ahaa muwaadininta.

Marxuum Cabdi Xaaji waxuu ka mid ahaa Suxufiyiinta aan aad u jeclaa tabinta wararkooda, wuxuu ka mid ahaa Suxufiyiinta aan aad u jeclaa qaabka ay wararka u soo tabiyaan iyo Cod ahaanba, wuxuuna ka mid ahaa Suxufiyiin badan oo aan aad u jeclaa Codadkooda, kuwaasi oo weli qaar noolyihiin qaarna ay dhinteen.

Suxufiyiintaas, waxay kala yihiin kuwa nool iyo kuwa dhintay intaba, Alla hasiiyo Naxariis Aduun iyo mid Aakhiro dhamandood.

Runtii malmaha ay soo tabinayaan idaacadaha waa iiga duwanayd malmaha kale, waxaan aad ugu dadali jiray in aysan idaafin idaacada maalintii, hadii ay idhaafto tan maalinta in aysan i dhaafin tan Habeenkii.

Dhinaca wararka waxaan aad u jeclaa, markii ay soo tabinayaan Idaacada, Suxufiyiintan kala ah.

1-Marxuum, Cabdi Xaaji Goobdoon,

2-Marxuum,  Axmed Xasan Cowke,

3-Idiris Gigaal,

4-Cabdulaaahi Xaaji

5-Maxamud Sheekh Axmed Dalmar,

6-Maxamed Cumar Haydara,

Soo tabinta Ciyaaraha, dhinaca Ciyaaraha, 

1-Cabdulaahi Kolombo,

2-Cagta Xaaji

Dhinaca luqada Ajaanibta,

1-Marxuum, Cabdalla Nuuradiin,

2-Raage Omaar,

Waxaan leeyahay inta dhimatay Samir iyo imaan Allaha kasiiyo Umada Somaaliyeed iyo Eheladooda,

kuwa noolna Allaha siiyo Caafimaad, waxaana kula dardaarmayaa in ay ka shaqeeyaan midnimada umada, waayo codkooda iyo aragtidooda wax wayn ayey ku badeli karaan.

Marxuum Cabdi Xaaji isagoo Xanuunsan ayuu waday dadaalo dhinac kasta leh oo ah midnimo Somaaliyeed, Allow kuu naxariiso Amiin Amiin.

.

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment