3246 Views

Gudoomiye Jawaari oo la Kulamay Wafuuda Jaamacadda Carabta iyo Turkey.

Gudoomiye Jawaari oo la Kulamay Wafuuda Jaamacadda Carabta iyo Turkey.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 12 February, 2016: Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”, Gudoomiya Barlamaanka, ayaa si kala gooni gooni ah waxa uula kulmay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta iyo Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya. Kulanka uu gudoomiye Jawaari la qaatay wafdiga ka socday jaamacadda Carabta ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wada shaqeeyneed ee uu Baarlamaanka Soomaaliya la leeyahay baarlamaannada waddamada ku jira ururka jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin ka tahay. Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay kulanka uga hadleen xiriirka baarlamanka Soomaaliya uu la leeyahay baarlamaannada wadamada jaamcadda Carabta, waxaana waftigii jaamacadda Carabta uu ammaanay shaqada barlamaanka Soomaaliya. Dhanka kalena gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa lakulmay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya oo uu wehliyay danjirihii hore ee Turkiga haddana ah mudane ka tirsan baarlamanka dalkaasi. Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kala hadlay waftiga  xoojinta xiriirka labada dal iyo in si deg deg ah loo hirgeliyo dhismaha guriga golaha shacabka oo ay dhisayaan walaalaha Turkiga, taas oo mar hore ay ballan qaaday Dowladooda.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment