4062 Views

Kulan caawa Golaha Wasiirada ku magacaabi lahaayeen 12 Safiir oo dib u dhac ku yimid

Kulan caawa Golaha Wasiirada ku magacaabi lahaayeen 12 Safiir oo dib u dhac ku yimid
____________________________________________________________________________

Muqdisho,19 February 2016: Fadhi aan caadi aheyn oo la maleeynayay in ay Golaha Wasiirada caawa yeeshaan, ayaa dib u dhac ku yimid, iyadoo kulankan loogu gol lahaa in lagu magacaabo Illaa 12 Safiir oo dowladda Soomaaliya u matali lahaa dalal ku yaala Caalamka.

Sida  wararku ay sheegayaan, Xukuumadda iyo Madaxtooyada ayaa maalmihii u dambeeyay waday qorshayaal safiiro loo magacaabayo dalal dhowr ah, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay soo jeedisay Safaaradaha is bedelada lagu sameynayo iyo xubnaha loo magacaabayo intaba.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid kulankan ay salka ku heyso, is qab qabsi ka jira Safiirada qaar iyo in wali ay u baahan tahay wada tashi,  inkastoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda intooda badan safiirada ay soo gudbisay.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maalmihii la soo dhaafay ku howlanaa kala bedel lagu sameynayo Safaaradaha qaar iyo safiiro cusub oo la doonayo in loo magacaabo Safaaradaha dalal ku yaalla Qaaradaha Yurub, Asia iyo Africa.

Qaar madaxda dowladda ka mid ah ayaa la sheegay in qudhooda wali isku fahmi la’yihiin Safiirada qaar iyo dalalka la geynayo, waxaana ka marneyn shaqsiyaad loo kala wado safaaradaha.

Wararka hoose ayaa intaa ku daraya in Safaaradaha is bedelka lagu sameynayo ay ka mid yihiin Safaaradda Soomaaliya ee Kuwait, Safaaradda Masar oo dhowaan uu ka geeriyooday Safiirkii joogay, Kuuriyada Koofureed, Turkiga, Itoobiya iyo kuwo kale oo aan la ogeeyn magacyadooda.

Safaaradaha sida deg degta ah is bedelka lagu sameynayo ayaa waxaa ka mid ah Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga oo bartamihii sanadkii hore loo magacaabay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo la sheegay inuu boorsooyinkiisa ka soo xir-xirtay Turkiga, isla markaana uu damac kale oo siyaasadeed ku jiro.

Waxaa kaloo lagu wadaa in Safiir cusub loo magacaabo Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Addis Ababa, oo xilkaas sanad ka hor isaga tagay Amb, Axmed Cabdisalaan, waxaana jagada hayay qof ku meel gaar ah

Sidoo kale waxaa iyana soo baxaya warar sheegaya in Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika loo magacaabi rabo C/fataax Xasan Afrax Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, iyadoo wararkan uu ahaa mid maalmihii la soo dhaafay soo galay saaxsadda siyaasada

Weli lama garanaayo xilliga iyo goorta lagu dhawaaqi doono Safiiradan cusub, iyadoo lagu wado in maalinta berri lagu wado inay dalka ka ambabaxaan Ra’iisul Wasaaraha, xubno Wasiiro ah iyo Mas’uuliyiin kale oo ku wajahan magaalada Istanbul, halkaasoo uu ka furmayo shirka lagu saxiixi doono nooca doorasho ee ka dhici doono Soomaaliya sanadkaan 2016.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment