3708 Views

Qaraxyo goor dhow ka dhacay degmada Baardheere

Qaraxyo goor dhow ka dhacay degmada Baardheere
____________________________________________________________________________

Muqdisho,5 March 2016: Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qaraxyo is xig xigay ay goor dhoweyd ka dhaceen magaalada, kaasoo ahaa miinada dhulka hoostiisa lagu aaso.

Qaraxyadaan oo  ahaa illaa shan qarax ayaa ka dhacay wadada laamiga, waxaana lala eegtay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda oo halkaas marayay.

Dad goob joogayaal ah ee ku sugan Baardheere, ayaa sheegaya in qaraxyada ay xigeen rasaas ay ridayeen ciidamada, waxaana qaraxyada ay ahaayeen kuwii qal qal geliyay dadka deegaanka.

Dhaawacyo ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhashay qaraxyada iyo rasaasta ay fureen ciidamada, waxaana la xaqiijiyay inay jiraan dad rayid ah oo waxyeelo ka soo gaartay.

Isgaarsiinta degmada ayaa hawada laga saaray, wax yar kadib markii qaraxyada ay dhaceen, waxaana socda howl gal ay wadaan ciidamada.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Kenya iyo Itoobiya ayaa bartamihii sanadkii la hore la wareegay Baardheere, halkaasoo muddo sideed sano ay gacanta ku hayeen Al-Shabaab.

Weli la hayo intaa khasaaraha uu la egyahay, balse wixi nagusoo kordha dib ayan u soo sheegi-doonna.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment