3174 Views

“Dowladda Federaalka gacan ayay ku leedahay duulaanka xeebaha Puntland”

“Dowladda Federaalka gacan ayay ku leedahay duulaanka xeebaha Puntland”
____________________________________________________________________________

Muqdisho,15 March 2016: Cabdi Xirsi Cali (Qarjab),Wasiirka Amniga Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe, kadib shir deg deg ah oo uu shir guddoominayay Madaxweyne kuxigeenka Puntland ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ciidan ee ka jira deegaanada xeebaha Puntland, halkaasoo saacadihii la soo dhaafay ay gaareen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

“Arrimaha ka dhacaya Puntland 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa laga hadlay, waa ogtihiin Puntland waxay muddo dheer dagaal kula jirtay Argagixisada nooc kasta ha ahaadaane iyo cid kasta oo isku dayda oo wax u dhimeysa jiritaanka Puntland”ayuu Wasiirka Amniga Puntland ku bilaabay hadalkiisa.

Mr Qarjab ayaa sheegay in weerar lagaga soo qaaday Koofurta Soomaaliya oo ay kaga soo duuleen Al-Shabaab sida uu yiri.

“Dadka nagu soo duulay waxay soo mareen Hobyo, Xarardheere illaa wadada dheer ee Badda iyo Bariga, abaabulkaas dowladda Soomaaliya kama madax banaana, gacan ayay ku leedahay soo duulitaanka Puntland”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Waxaa uu sheegay in arrintan ay la xiriirto diidmadii Puntland ee nidaamka 4.5, isla markaana la doonayo in caqabad la geliyo.

Wasiirka Amniga Puntland ayaa ugu baaqay shacabka deegaanada Puntland inay u diyaar garoobaan sidii ay u difaaci lahaayeen deegaanadooda, isagoo xusay in Madaxda Puntland ay hogaamin doonaan.

Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doomo watay ayaa soo gaaray deegaanada Garacad iyo Garmaal oo ka tirsan Gobolada Mudug iyo Nugaal, iyadoo saacadihii u dambeeyay ay doomo hor leh gaareen deegaanadaas. Wxi ka soo baxa waa la ogaan-doonaa.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment