5511 Views

Xaaladda deegaanka Garacad iyo Ciidanka Puntland oo heegan galay

Xaaladda deegaanka Garacad iyo Ciidanka Puntland oo heegan galay
____________________________________________________________________________

Muqdisho,15 March 2016: 

Marki xalay fiidkii warar soo baxayay ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo doomo watay ay qabsadeen deegaanka Garacad ee bariga Gobolka Mudug, ayaa hadda la sheegayaa inay u gudbeen deegaano kale oo hor leh.

Xaalada deegaanka Garacad ayaa wali cadeyn, maadaama ay ka go’an tahay Isgaarsiinta, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen ka hor inta aan isgaarsiinta la jarin inay arkeen xalay maqribkii dagaalyahano hubeysan oo wajiga u dubnaa, kuwaasoo aad u hubeysnaa.

Shacbiga deegaanka ayaa sheegay in saraakiil hogaamineysay dagaalyahanadii qabsaday Garacad ay la haldeen, isla markaana u sheegeen in aanay wax dhibaato ah u geysan doonaan, muraadkooda uu yahay inay uga sii gudbaan deegaano kale an la ogeeyn

Guddoomiyaha deegaanka Garacad ayaa u sheegay Idaacada VOA in dagaalyahanada ku yimid doomaha dheereeya ay ahaayeen Al-Shabaab, ayna wehliyaan dagaalyahano ajaaniib ah oo ayaga la socoda.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalyahanadan ay u gudbeen deegaanka Kulub oo u dhaxeeya Eyl iyo Garacad, waxaana dadka deegaanada ay ka cabsi qabaan dagaalo ka dhaca deegaanada ay soo galeen dagaalyahanadan hubeysan oo ay  dhibatada si badato.

Saraakiisha Amniga Puntland ayaa xalay kulan deg deg ah yeeshay, waxaana ay soo saareen in heegan la geliyo ciidamada Puntland ee ku sugan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa gaaray deegaano ku dhow dhow Garacad, waxaana ciidamadan ay guluf ugu jiraan sidii ay uga hortagi lahaayeen dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee soo gaaray deegaanada Puntland.

Ila hadda lama hayo wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan inay la wareegeen deegaanka Garacad, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in dagaalyahanada gaaray deegaankaas uu qorshahooda yahay inay u gudbaan Buuraha Galgala, halkaasoo ay ku sugan yihiin dagaalyahano taabacsan ayaga.

—————————————–

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment