7107 Views

Wabiga Shabeelle oo biya keenay & faraxd ka dhalatay

Wabiga Shabeelle oo biya keenay & faraxd ka dhalatay
____________________________________________________________________________

Jowhar | April 4, 2016 – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in shalay galab la arkay webiga Shabelle oo keenay biyo horudhac ah, kadib dhowr todobaad oo uu qalalnaa.

Dadka ku nool Jowhar ayaa arkay biyo ka soo dhacaya xiintoyda oo ah darbi laga dhex dhisay wabiga kaasoo toddobaadyadii la soo dhaafay uu qalalnaa.

Dad isugu jira dhalinyaro rag iyo dumar leh ayaa lagu arkayay gabaldhacii xalay Xiintoyda iyagoo ku qubeysanaya biyaha uu wabiga keenay, muujinayan farxad.

Bulshada ku dhaqan Jowhar ee xarrunta gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa la arkaayay iyagoo isugu soo baxaya meelaha uu maro Webiga Shabeelle, kuwaasoo daawanaya biyaha cusub.

Saacadaha soo socdo, ayaa waxaa suurta-gal ah in biyahan Webiga Shabelle ay gaaraan qaybo ka mid ah deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose, oo dhanka koonfureed ka xiga Shabeellaha Dhexe.

Maalmihii lasoo dhaafay warar laga helay Hiiraan oo ah gobolka wabiga kasoo bilaabo Soomaaliya marka uu ka yimaada Itoobiya ayaa sheegayey in meelo ka mid ah gobolkaas webiga biyo lagu arkay, tasoo dad badan rajo gelisay.

Dadka beerraleyda ahaa haatan bilaabaya beerashada dalagyada kala duwan maadaama wabegu biya keenay, xilli roobaadkiina lasii guda gelayo.

xiintoyda-wabiga-jowhar-10 xiintoyda-wabiga-jowhar-9 xiintoyda-wabiga-jowhar-8 xiintoyda-wabiga-jowhar-7 xiintoyda-wabiga-jowhar-11xiintoyda-wabiga-jowhar-6 xiintoyda-wabiga-jowhar-5 xiintoyda-wabiga-jowhar-4 xiintoyda-wabiga-jowhar-3 xiintoyda-wabiga-jowhar-2 xiintoyda-wabiga-jowhar-1

.

.

.

Source: Mareeg.com

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment