5871 Views

Haween lagu dilay magaalada Muqdisho

Haween lagu dilay magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 17, 2016: Dumar tiradooda dhantahay afar ayaa saakay iyo xalay lagu dilay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, iyadoo dilalkaas ay geysteen kooxo hubeysan, kuwaasoo baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Hodan Haweeney lagu magacaabayay Cibaado Cabdi Maxamed, waxaana da’deeda u dhaxeysay 70-80 jir.

Waxaa la shwwgayaa in haweeneydan ay ka tirsaneyd Ururada haweenka ee degmada Hodan, waxaana maamulka degmada uu sheegay inay ku raad-joogaan kooxahaas.

Sidoo kale kooxo hubeysan ayaa saaka agagaarka Siliga Ameerikaanka ku dilay qof dumar ah, halka mid kalena dhaawaceen, waxaana labadan haween la sheegay inay nadiifiye ka ahaayeen Hey’adda UNHCR.

Dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa dhowr siyaabood isugu jira, isla markaana wax weyn oo ay Dowlada ka qabato ma jiraan.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment