5598 Views

Xuski sanadguuradi 5aad ee Xisbiga Nabada iyo Horumarka oo Muqdisho lagu qabtay

Xuski sanadguuradi 5aad ee Xisbiga Nabada iyo Horumarka oo Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 26, 2016Xaflad siqurux badan loo soo ababulay, ayna kasoo qeyb galeen xubna u badan dhalinyaro oo kamid ah Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ayaa waxaa lagu qabtay Muqdisho iyada oo intii munaasabadda lagu guda jiray lasoo jeediyay khudbado u badan taariikhda Xisbiga,guulaha uu gaaray intii uu jiray iyo waxyaabaha la filayo in uu ku talaabsado mustaqbalka dhow.

Waxaa munaasabadda ka hadashay Samzam Daahir Maxamuud, oo kasoo qeyb galayaasha u sheegtay in ujeedada xafladdu ay aheyd in leesugu hanbalyeeyo sanad guurada shanaad ee kasoo wareegtay xilligii xisbiga dhidibada loo taagay.

Mustaf Maxamed Macallim Nuur Gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee Xisbiga PDP, ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay masraxa waxa uuna hanbalyo ku aadan sanad guurada 5-aad u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed, gaar ahaan xubnaha Xisbiga iyo taageerayaashiisa. Waxa uu dhalinyarada ku dhiirri geliyay in ay kusoo biiraan xisbiga si ay uga qeyb qaataan dadaalada uu wado oo ah in wadanka horumar iyo nabad la gaarsiiyo.

Mustaf waxa uu tacsi u diray dhamaan Soomaalida isaga oo uga taciyeey musiibadii dhawaan ku dhacday tahriibayaashii Soomaalida ahaa ee boqolaalka gaarayay isaga oo ku taliyay in laga hor tago waxyaabaha sababa tahriibka.

Ugu dambeynti, munaasabadda waxaa ka hadlay gudoomiyaha golaha dhexe ee Xisbiga PDP,Saadaq Salaad Warsame, waxa uuna sidoo kale hanbalyo u diray xubnaha xisbiga iyo taageerayaashiisa, waxa uuna cod dheer ku sheegay in xisbigoodu uu yahay kii ugu horeeyay ee dalka laga dhisay wixii ka danbeeyay burburkii inkasta oo wali aan la meel marin xeerka xisbiyada.

PDP ayaa kamid ah xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira, waxaana xisbigan Gudoomiye u ahaa doorashadii sanadkii 2012-kii dhacdayna ku matalayay Madaxeynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .

xuska-d-2xuska-d-4xuska-d-6xuska-d-7xuska-d-8

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment