3708 Views

Xuquuqda carruurta oo laga hadlay

Xuquuqda carruurta oo laga hadlay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 26, 2016Kulan looga xaquuqda carruurta ayaa waxaa ka qayb galay qareeno culimaa’udiin, waalidiin iyo mas’uuliyiin kale waxaana soo xiray xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda Dr Ismaaciil Jimcaale.

Waxaa xiritaanka kulankaan ka hadlay oo sharxay waxyaabihii laga faa’iideystay maalmaha uu socday Qareen Cabdiqani Cabdullaahi iyo Sheekh Cumar Xerow oo ka mid ahaa ka qaybgalayaasha kulankaan.

“Waxaan aad u amaanayaa aqoon isweydaarsigan, waxaan hubaa in uu ahaa mid aad muhiim u ah run ahaantii saddaxda maalin ee uu socday aadbaan uga faa’iideysanay annaga oo xataa culimaa’udiin ah, diinta naqaan wax badan ayaan ka faa’iideysanay” ayuu yiri sheekh Cumar.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Soomaaliya, Dr Ismaaciil Jimcaale Calasow oo soo xiray aqoon isweydaarsiga ee ku saabsanaa xuquuqda carruurta, isagoo faah faahin ka bixiyay dadka sida qaldan uga faa’iideeysta Carruurta yar yarka ah.

“Waxaan la hadlayaa Dadka carruurta sida qaldan uga faa’iideysta ama askareeya ama in ay is qarxiyaan mas’uulka ka ah, waxaan leeyahay xaquuqda carruurta hala dhowro in askareyn loo adeegsado carruur sharcigu ma ogola, waalidiin ayaan  si gaar ah ula hadlayaa walaalayaal kaalintiina ka soo baxa”ayuu yiri xoghayaha.

13106683_1026029854143182_985603987_o13063994_1026029837476517_1471125357_o

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment