3207 Views

Midowga Yurub oo ka hadlay sababaha ay u dhimeen mushaarka Ciidamada AMISOM

Midowga Yurub oo ka hadlay sababaha ay u dhimeen mushaarka Ciidamada AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 27, 2016: Michele Cervone D’Urso, Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, ayaa ka hadlay sababaha Ciidamada AMISOM ay uga dhimeen 20% mushaarkii ay siin jireen Ciidamada AMISOM.

Michele Cervone ayaa sheegay in horay ugu wargeliyeen Taliska AMISOM inay dhimayaan mushaarka ay qaataan Ciidamada AMISOM, isagoo xusay in lacagaha ay ku taageeraan Ciidamada AMISOM ay meelo kale u wareejinayaan.

Isagoo la hadlayay Wargeyska The Star ee ka soo baxa Kenya ayaa waxaa uu Amb. Michele Cervone ku sheegay inay Midowga Yurub uu yahay taageeraha ugu weyn AMISOM, isla markaana sanad walba ku bixiyaan howl galka AMISOM $200 oo million oo dollar.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in la dhiso Ciidamada Soomaaliya, isagoo ka digay in aan si qaldan loo fasirin sababaha ay u dhimeen mushaarkii Ciidamada AMISOM. Askariga AMISOM ayaa qaadan doona $828, iyadoo dalkiisa ay ka goosaneyso $200, taasoo aheyd wax soo jireen ah.

Mushaarka askariga AMISOM ayaa horay u ahaa lacag gaareysa illaa $1,000, waxaana horay la is weydiin jiray sababta askariga AMISOM lacag intaas la eg u qaadanayo.

Dhinaca kale Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa sheegay inay raadinayaan ururo kale oo taageera AMISOM, sida Qaramada Midoobey inay bixiso lacagta AMISOM.

AMISOM ayaa horay loogu eedeeyay in aanay wali wax horumar ah ka sameyn dagaalka Al-Shabaab, marka loo eego 10-sano oo ay joogeen Soomaaliya. Sidaas darteedayaa waa muhiim in la dhiso ciidan soomaaliyeed oo daboolo baahida AMISOM.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment