6048 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtey dalka, kadib markii uu ka qeybgaley caleema saarka Madaxweynaha Djibouti

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtey dalka, kadib markii uu ka qeybgaley caleema saarka Madaxweynaha Djibouti
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 9 May 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib markii uu magaalada Djibouti kaga soo qeybgaley xafladdii caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan markii afraad dib loogu doortey talada waddanka.

Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Djibouti ay door weyn ka qaadey dib u soo kabashada Soomaaliya, guusha uu Madaxweyne Geelle doorashada ku hanteyna ay sii xoojin doono xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka Federaalka iyo saraakiil kale ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

.

.

__________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment