7941 Views

Fanaanka Farxaan Xidig oo Hargeysa lagu xiray

Fanaanka Farxaan Xidig oo Hargeysa lagu xiray
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 3, 2016: Farxaan Xidig oo ah Fanaan caan ah, ayaa ku xiran magaalada Hargeysa ee Somaliland, iyadoo xarigiisa ay ka soo baxayaan warar kala duwan.

Xidig ayaa la sheegay inuu dhowaan tagay magaalada Hargeysa, waxaana xiray ciidamada booliska ee Somaliland.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Farxaan Xidig loo xiray arrimo la xiriiray siyaasada, maadaama uu dhowaan ku dhawaaqay inuu u xuubsiibanayo siyaasada, isla markaana uu yahay musharax Xildhibaan Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Farxaan Xidig oo horay Muqdisho u yimid sanadkii 2012, isla markaana marar badan ku soo laabtay ayaa la sheegay inuu xilli rabay Xildhibaan, si uu u bedelo booska Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka.

Somaliland oo horay ugu dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale ayaa waxaa deegaanadeeda ka mamnuuc ah inay tagaan Siyaasiyiinta ama Mas’uuliyiinta xilalka ka haya Dowladda Soomaaliya.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland oo ku aadan xariga Farxaan Xidig, hase ahaatee baraha Bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay laga hadal hayay arrinta xariga Fanaankan, iyadoo Somaliland loogu baaqayay inay sii deyso si deg deg ah.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment