3093 Views

R/Wasaare ku xigeenka oo ka qeyb galay Shir lagu soo bandhigayey Sharciga Ilaalinta Badaha Soomaaliyeed.

R/Wasaare ku xigeenka oo ka qeyb galay Shir lagu soo bandhigayey Sharciga Ilaalinta Badaha Soomaaliyeed.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 10, 2016….Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda F. Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Sharciga lagu sameynayo Hay’adda Ilaalinta Xeebaha iyo Badaha Soomaaliyeed. waxana ka soo qeyb galey Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Soomaaliya Mudane Nuur Faarax Xirsi iyo Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda Axmed Cali Kadiye.

Ujeedda kulanka ayaa ahaa sidii dib-u-habeyn loogu sameyn lahaa Sharcigii hore 1959 ilaa 1988 lagu dhaqayay xeebaha Soomaaliyeed, iyadoo ay sharcigani soo bandhigtay Hay’adda IMO oo ka shaqaysa sharciyada ilaalinta Xeebaha Caalamka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane M. Cumar ayaa sheegay in Sharcigani uu koobsanayo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee ku jira badaha Soomaaliyeed, ka ilaalinta xeebaha Soomaaliyeed qashinka lagu shubo, Ganacsiga badaha oo 2030 la rabo in uu laba jibaarmo, iyadoo arrintaa ay ka faa’iideysanayso Soomaaliya.

rw-kuxigeen-ilaadada-badda-4

Mudane Carteh ayaa xusay in Dawladda Soomaaliya taageereyso sharciyada caalamiga ah ee lagu dhaqo badaha iyo kan hadda dib-u-eegista lagu sameynayo ee Soomaaliya. Sidoo kale sharcigani wuxuu ka shaqayn doonaa badbaadinta dhalinyarada ku dhimanaya badaha, iyadoo la burburinayo Shabakadaha ka shaqeysta Tahriibka.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Maxamed Cumar ayaa u mahadceliyey cid walba oo gacan ka geystay sharcigani, gaar ahaan Hay’adda soo bandhigtay ee IMO iyo Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda.

.rw-kuxigeen-ilaadada-badda-5 rw-kuxigeen-ilaadada-badda-3 rw-kuxigeen-ilaadada-badda-2 rw-kuxigeen-ilaadada-badda-1

.

.

_____________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment