3375 Views

Gaafow oo si rasmi loogu magacaabayo xilka Taliyaha Nabadsugida

Gaafow oo si rasmi loogu magacaabayo xilka Taliyaha Nabadsugida
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 13, 2016: Warar muhiim ah oo na soo gaaray ayaa u xaqiijiyay qaranimo.com in Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud, oo si KMG ah u haayo xilka Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka, si rasmi ah xilkaas loogu magacaabi doono maalmaha nagu soo aadan.

Waxaa kale ay wararka sheegayaan, in Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay go’aansadeen, in Jen. Gaafow loo daayo xilkan, si rasmi ahna loogu magacaabo mar dhow.

Jen. Gaafow ayaa isku hayay xilka Taliyaha Laanta Socdaalka iyo kan Nabadsugida oo bishii hore si KMG loogu magacaabay markii xilka laga qaaday Taliyihii hore Jen. Tuur Yare.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la kala qaadi doono labada xil oo uu hada isku haayo, gaar ahaan xilka Laanta Socdaalka oo lagu wado in qof kale loo magacaabo in kastoo an la garanayn qofka uu noqon doono.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan magacaabay xilka Taliye kuxigeenka 1aad ee Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka, kaasoo loo magacaabay Ismaaciil Cusmaan, sidoo kale waxaa xilkaas la wehliya dhinaca Tiknoolijiyada iyo la dagaalanka Argagixisada uu Inj. Ismaaciil Cusmaan uu aqoon dheeraad ah u leeyahay.

Afartii sano ee Madaxweynaha xilka hayay ayaa waxaa Taliska Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya soo maray illaa shan Taliye oo kala duwan.

Hadii Jen. Gaafow si rasmi ah loogu magacaabo xilka Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka waxaa laga yaabaa inay meesha ka baxdo damacyo siyaasadeed oo kale oo uu ku tala jiray mudane Gaafow.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment