3264 Views

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya

Uganda oo ciidamo cusub u soo dirtay Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, July 19, 2016: Dowladda Uganda ayaa Guutooyin cusub oo ciidamo ah u soo dirtay Soomaaliya, kuwaasoo bedelaya ciidamo horay u joogay, iyadoo ciidamadan la sheegay inay aad uga diyaarsan yihiin kuwii hore ee joogi jiray.

Ciidamadaan cusub ee ka tirsan UPDF ayaa loogu yeeraa (UGABAG XIX), kuwaasoo ka qeyb qaadanaya howl galka AMISOM in kastoo an la ogeeyn waxa ay ka bedelanyihiin kuwi ka horreyay.

Wararka ka soo baxay Taliska AMISOM, ayaa lagu sheegay in Ciidamadan ay ka howl galayaan Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo buuxinaya kaalinta Ciidamo muddo sanad ah ku sugnaa Soomaaliya oo gudanayay waajibaadkooda, balse marka ay doonaan ka baxayay saldhigi lagu ogay in joogaan.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan Ciidamada AMISOM, waxaana tirada ciidankooda ku sugan Soomaaliya ay ka badan yihiin 6,700 askari, balse wax tarkaooda uu xadidanyahay.

Taliyaha Ciidamada Uganda ee howl galka AMISOM Brig. Sam Okiding ayaa sheegay in guutadan cusub ay yihiin kuwo aad u wanaagsan, ayna ku kalsoon yihiin in guulo ka soo hoyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, taas oo ay fashileen kuwi ka horreeyay.

Waxaa uu sheegay inay ka war hayaan caqabadaha ay ciidamadan kala kulmi karaan Al-Shabaab, balse waxaa uu xusay inay yihiin ciidamadan ay yihiin koox dagaal oo si aad ah loo diyaariyay, balse la arki-doono.

Al-Shabaab ayaa bishii September ee sanadkii hore weerar isugu jiray is qarxin iyo mid toos ah ku qaaday xero ciidan oo ciidamada Uganda ku lahaayeen deegaanka Janaale, iyadoo la wareega xeradaas, kuna dileen askar badan, iyagoo ka qaatay saanado milateri oo isugu jira hub iyo gawaari ciidan.

ciidan-cusub3ciidan-cusub2ciidan-cusub

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment