3006 Views

Soomaaliya oo marti galineysa Shirka IGAD

Soomaaliya oo marti galineysa Shirka IGAD
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 6, 2016: Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,ayaa saaka dib ugu soo laabtey magaalada Muqdisho kadib markii uu magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kaga soo qeybgaley shir madaxeedkii 2-aad ee waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD, iyo dalalka kale ee Afrika iyo beesha caalamka ay uga arrinsanayeen xasaradda ka aloosan Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, iyo arriman kale.

Waxyaabihii ka soo baxay shir madaxeedkan ayaa waxaa ka mid ah in ciidan badbaadiya shacabka la geeyo Koonfurta Suudaan, in nabadda la dhiirigeliyo, lana xushmeeyo heshiisyada siyaasadeed ee ay gaareen dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaasi.

Waxaa kale oo madaxda IGAD ay go’aamiyeen in shir madaxeedkooda caadiga ah ee sannadlaha ah bisha soo socota ee September horaanteeda lagu qabto magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya.

————————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment