3714 Views

Nabadoon xalay lagu dilay Muqdisho

Nabadoon xalay lagu dilay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 11, 2016: Suuqa Bakaaraha ayaa xalay kooxo hubeysan ku dilay Nabadoon Saciid Sheekh Aadan oo ka mid ahaa nabadoonada caan ka ahaa magaalada Muqdisho.

Dadka goobta ka dhawaa, ayaa sheegay in Nabadoonka la dilay xalay abaarihii 11-da habeenimo, xilli uu kus ii socday gurigiisa

Sida caadada ahayd, kooxaha dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, mana suura gelin in la soo qabto, waxaana la ogeyn ujeedada ka dambeysa dilkan, warkaas oo weli qabya ah.

Sida la sheegay, Nabadoonka la dilay ayaa horay u ahaa askari, balse uu ruqseystay xilligii dowladdii Siyaad Barre.

Ma ahan markii u horeysay ee dilal ceykan oo kale ah ay ka dhacaan magaalada Muqdisho, kuwa falka gaystana ay ka baxsadaan goobta dhibka ka dhacay. Arrintaas ayaa ah wax lala yaabo.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment