4002 Views

Gabadha Soomaaliya uga qayb-galayso ciyaaraha Brazil oo maanta tartameysa

Gabadha Soomaaliya uga qayb-galayso ciyaaraha Brazil oo maanta tartameysa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 13, 2016: Maryan Nuux Muuse iyo Maxamed Daud Maxamed ayaa hore u gaaray magaalada Rio De jenerio oo ay ka socdaan ciyaaraha Olyompikada adduunka, iyadoo kulankooda ugu horeeya maanta la daawan doono.

Maryan ma aha marki ugu horreysay ee ay matasho Calanka Soomaliya, iyadoo tartamo caalami ah uga qeyb gashay wadamada Kenya, Republic of Congo, Botswana, Tanzania, Ethiopia ,Shiinaha iyo dalal kale.

Maryan ayaa ka qeyb grli doonta tartanka 400 mitir ,waxaana ay aaminsan tahay in ay leedahay tayo ay ku guuleysan karto.

Gabadhaan ayaa maanta kasoo muuqan doonta ciyaaraha ka socda Rio De jenerio, iyadoo wadata calanka Soomaliya, si ay tartanka Orodka 400-miter uga qeyb gasho.

Maxamed Daud Maxamed ayaa 17 Bishan isna Orodkiisa ku balansan, waxaana uu qiray in uusan wax cabsi ah dareemeyn hadda, dyaar-na u yahay in uu u soo qaado Soomaaliya sharaf.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment