3429 Views

Shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo dhowaan dib u furmaya.

Shirka Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo dhowaan dib u furmaya.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, August 28, 2016: Waxaa Muqdisho iyo Jowhar ka socda qaban qaabadii u dambeysay ee dib loogu furayo shirkii maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, kaasoo muddo 8 bilood ah hakad ku jiray.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ku dhow maamulka Shabeellaha Dhexe ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in shirka maamul u sameynta uu Talaadada soo socota uu dib u bilaaban doono.

Wararka ayaa sheegaya in Ergooyin ka kala socota labada gobol ay ku wajahan yihiin magaalada Jowhar, waxaana lagu wadaa in Muqdisho laga daad-gureeyo odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda labada gobol Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wariyeyaal ku sugan Jowhar ayaa soo sheegaya in magaalada laga dareemayo qaban qaabada shirka maamul u sameynta labada gobol, iyadoo maalinta berri ay tagi doonaan wafdi horu dhac ah oo u sii gogol xaarayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu dib u furo shirkan, kadib markii uu bishii Janaayo uu shirka si rasmi ah u furmay, balse caqabado ka hor-yimid habsami u socodka shirka u hakaday soona gaaray hadda.

Shirka Maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa mudadii uu hakadka ku jiray waxaa la sameeyay dadaalo dib loogu bilaabi lahaa, waxaana dowladda Soomaaliya iyo IGAD ay ku guuldareysteen in odayaasha uu hoggaamiyo Ugaas Xasan ku qanciyaan inay shirka Jowhar tagaan, balse ay ka biya diideen.

Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayuu qorshuhu yahay in la dhiso ka hor inta aan la gaarin doorashada, waxaana la filayaa in la dedejiyo dhismaha maamulkan oo Madaxweynaha uu yeelanayo ay dooran doonaan Ergooyin, bedelkii Xildhibaano ay soo dooran lahaayeen, maadaama waqtiga yahay mid aad u yar kala guurna ah.

———————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment