3183 Views

Madaxweynaha oo sagootiyay Guddi dul taagnan doono Dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya

Madaxweynaha oo sagootiyay Guddi dul taagnan doono Dacwada Badda ee Somalia iyo Kenya
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 18, 2016: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sagootiyay guddi kor joogto ah, kuwaasoo tagi doona Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku taala magaalada The Hague ee dalka Holland, halkaas oo ay la socon-doonaan habka dacawad u dhacayso.

Guddigan ayaa u tagi doonaa sidii ay marag kor joogta uga noqdaan dacwada Badda ee u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya oo la filayo in maalinta barito ah ay dib uga furanto magaalada The Hague.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyey sida dowladda Soomaaliya ay ugu kalsoontahay in ay ku guuleysato dacwadaasi, maadaama Soomaaliya si sharci ah ay u martay dacwada la xiriirta muranka Badda ee Kenya iyo Soomaaliya dhax taalla.

“Waxaan xalay sagootiyay guddi korjoogto ah oo tagi doona Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada, guddigaan waxay halkaasi u tagayaaan inay la socdaan dacwada u dhaxaysa dalkeena Soomaaliya iyo dalka Kenya ee ku saabsan murranka badda, waxaan ku kalsoonahay inaan dacwadaasi ku guulaysan doono inshalaah”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda u gudbisay dacwad ka dhan ah dowladda Kenya, oo ku xad gudubtay qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.

xasan3xasan1

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment