5154 Views

Howl gallo iyo baaritaano ka socda Suuqa Bakaaraha

Howl gallo iyo baaritaano ka socda Suuqa Bakaaraha
____________________________________________________________________________

Muqdisho, September 27, 2016: Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka baaritaano amaan xaqiijin ah ka wada suuqa weyn ee bakaaraha oo ah suuqa ganacsiga ugu weyn dalka Soomaaliya, oo dad badan ay ku/kana ganacsadaan.

Baaritaanada ay wadaan ciidamada, ayaa bilowday waaberigii saaka, waxaana dadweynaha qaarkood loo diiday iney gudaha u galaan goobaha ganacsiga ee ku yaala Suuqa bakaaraha iyo hareerahiisa.

Qaar ganacsatada Suuqa ka mid ah, ayaa sheegay in ciidamada ay diideen in gudaha suuqa loo galaa, iyadoo dad badan oo ciidamada ay qabteen la iskugu geeyay barxado suuqa ku dhax yaala.

Waddooyin soo gala suuqa bakaaraha iyo kuwo baxa ayaa sidoo kale saaka la diiday in dhaqdhaqaaq laga sameeyo.

Dadka qaar an ogayn sababta ka dambeysa in ciidamada ay sameeyaan baaritaano saameeya ganacsiga suuqa bakaaraha, balse howlgalka ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay magaalada Muqdisho lagu dhaawacay xeer ilaaliye ku xigeen. Tan kale nabada ayaa ka horreysa ganacsiga suuqyada.

Haya’daha amaanka ayaa xaqiijiyay in baaritaanada saaka ay ka socdaan Suuqa Bakaaraha iyo xaafado kale, laakiin marka howlgalka uu dhamaado ay saxaafada u sheegi doonaan wixi mudan in shacbiga ogaado.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment