3375 Views

Hay’adda Culimada oo ka digtay Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka

Hay’adda Culimada oo ka digtay Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 2, 2016: Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa maanta walaac ka muujiyay qoondada Haweenka 30% ee Baarlamaanka labada aqal laga siiyay, iyagoo ku tilmaamay qorshe ay wataan dad aan Diinta Islaamka lug ku laheyn.

Shir jaraa’id oo Culimada ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa waxay ku sheegeen in Ragga iyo Haweenka ay si siman tartamaan Baarlamaanka, balse aanay cidna meel loogu xirin tiro gaar ah oo ayaga leeyihiin.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, afhayeenka Hey’adda Culimada Soomaaliyeed oo wareysi siiyay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in qoondada haweenka ee %30 Baarlamaanka laga siiyo ay tahay mid ay wataan reer galbeedka, isla markaana horu-dhac u ah dhalan-roga bulshada iyo bur burinta qoyska xalaasha ah.

“Gaalada waxa aan wadankooda ka jirin ayay rabaan in wadankeena oo muslim ah inay dusha naga saaraan, waa dulmi iyo xaqdaro, ayaga wadankooda qoondo gaar ah ma u sameeyeen haweenka”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.

Bayaan ay Culimada soo saareen ayaa waxay ka digeen in laaluushka lagu bixiyo helista Xildhibaanimada, gaar ahaan iodayaasha dhaqanka iyo ergada soo dooraneysa xildhibaanada waxay ugu baaqeen inay soo doortaan dad ku mudan xilkaas oo Alle ka baqaya.

Sida an ognahay, Beesha Caalamka ayaa horay ugu baaqday in Haweenka 30% laga siiyo kuraasta Baarlamaanka, isla markaana la xaqiijiyo xuquuqda haweenka ku leeyihiin matalaada xaga siyaasada ee Soomaaliya.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment