3186 Views

Ergada shirka Jowhar oo loo qeybiyay Dastuurki

Ergada shirka Jowhar oo loo qeybiyay Dastuurki
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 3, 2016: Ergada ka qeyb galeysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar ayaa loo qeybiyay qabyo qoraalka dastuurka uu yeelanayo Maamulka labada gobol.

Qabyo qoraalka dastuurka oo ka kooban 7 cutub ayaa si koox koox ah uga doodi doonaan Ergada, waxaana dastuurka ku jira astaanta uu yeelanayo maamulka, xuduudihiisa, nidaamka uu ku shaqeynayo.

Ergada ayaa lagu wadaa inay isku raacaan magaca uu yeelanayo maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo dhowaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ugu baaqday shacabka inay aragtidooda ka soo dhiibtaan magaca iyo astaanta calanka uu yeelanayo maamulka labada gobol loo dhisayo.

Yaxye Cali Ibraahim,Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in todobaadkan ay ku ansixin doonaan qabyo qoraalka, si loo guda galo dhameystirka maamulka labada gobol oo qorshihiisu yahay bartamaha bishan in la doorto Madaxweyne.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shalay ku guuleysatay inay qanciso ergada ka qeyb galaya shirka jowhar, kadib markii maalin ka hor isaga baxeen, kaddib markii lagu wargeliyay in aanay wax dhaqaale ah qaadan doonin, taas oo ay ka caroodeen.

Tan kale, Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda labada gobol ayaa ku howlan soo xulista Xildhibaanada uu yeelanayo maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment