3711 Views

Itoobiya oo shaacisay dalka ay kaga shakisan tahay colaada dalkeeda ka socoto

Itoobiya oo shaacisay dalka ay kaga shakisan tahay colaada dalkeeda ka socoto
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 8, 2016: Koox aqoonyahanna ah ee taageera dawlada Itoobiya ayaa warbaahinta dalkaasi u sheegay in koox Oromo ah oo ku sugan Masar oo lagu tilmaamay OLF ay taageero ka helayaan dalkaasi , balse fahfaahin kama bixin sida ay u taageerto iyo nooca taagerada waxa ay saabsantahay.

Taageerayaasha dowlada oo lagu sheegay indheer-garad u badan barayaal wax ka dhiga jaamacadaha wadanka ayaa sheegay in ayna Masar ka waantoobayn in ay carqaladeyso Itoobiya maadama ayna u cuntamayn in wabiga Nile Itoobiya ku nacfiso.

Waxgaradka ayaa tusaale u soo qaatay sida warbaahinta Masaaridu u buunbuuniyeen rabshadaha ka dhashay xuskii Oromada ee Axadii dadka badan ku baaba’een.

Itoobiya, ayaa marna si rasmi ah farta ugu fiiqin Masar, balse Ra’isulwasaaraha Itoobiya, Hailemaraim, ayaa dhawaan carabka ku dhuftay in kacdoonka Itoobiya ay ku lug leeyihiin xoogag shisheeye oo aan doonayn in dalkiisu ka faa’iideysto khayradkiisa.

Hailemaraim ma magacabin cida uu ula jeedo , balse waxaa jira dareen kooxda EPRDF ka qabto dalka Masar oo ay ku muransan yihiin isticmaalka wabiga Nile.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment