4461 Views

War saxaafadeed – Hannaanka Doorashooyinka 2016

War saxaafadeed – Hannaanka Doorashooyinka 2016
____________________________________________________________________________

Mogadishu, 16 October 2016 – Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu soo dhaweynayaa una hanbalyeynayaa Dowlad Gobaleedka Galmudug oo ku guuleystay in uu soo doorto siddeedii xubnood ee u matalayey Aqalka Saree ee baarlamaanka.

Guddigu waxa uu ku ammaanayaa Galmudug sida uu u soo buuxiyey qoonddadii haweenka ee Aqalka Sare iyadoo siddeedda xubnood ay labo ka mid ah ay yihiin haween.

Guddigu waxaa uu ugu baaqayaa Dowlad Gobaleedyada Puntland iyo Koofur Galbeed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo doortaan xubnihii u matalayey Aqalka Sare.

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) waxaa uu ka codsanayaa Dowlad Gobaleedka Jubbaland in uu soo buuxiyo shuruudaha magacaabista Aqalka Sare inta aan laqaban doorashada Aqalka Sare.

Guddigu waxaa uu hoosta ka xariiqayaa in ilaa iyo hadda hannanka doorashada 2016 si habsami ah uu dalka oo dhan uga socdo.

.

.

.

___________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment