3360 Views

DFS oo la timid Qorsho lagu qaado canshuurta gaadiidka

DFS oo la timid Qorsho lagu qaado canshuurta gaadiidka
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 18, 2016: Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti, Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Wasaarada Maaliyada ay bedeshay qorshihii lacagaha Canshuurta loogu qaadi jiray gaadiidka ka shaqeeya Gobolka Banaadir gudahiisa.

Waxa uu cadeeyay in laga gudbay in gaadiidleyda lagu dhibaateeyo Wadooyinka isla markaana meelo kala duwan loogu qaadi jiray, dhibna ku ahayd dadka.

Intaa waxa uu daray, in hada Arrimahaasi la xaliyay, Wasaaraduna ay sameysay Xarumo gaar ah oo gaadiidleeyda lacagaha Canshuurta loogu qaado oo aan loo istagin wadooyinka dhaxdooda.

Waxa uu sheegay in shirkad gaar ah ay ka caawineyso qaadista lacagaha canshuurta ah ee gaadiidka ka soo xirooto.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda iyo Maamul goboleedyada Dalka loogu baahan yahay in ay si sax ah ugu adeegaan bulshada ka ganacsato waddanka.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment