4023 Views

AMISOM oo Cadaado la geeyay

AMISOM oo Cadaado la geeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 24, 2016: Magaalada Cadaado ayaa maanta laga dareemayaa u diyaar garowga hanaanka doorashooyinka dalka  gaar ahaan doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee baarlamaanka dowladda Federalka ah ee Soomaaliya, kaas oo la sugayay beryahaan dambeeyay.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyey ayadoo shalay ay magaalada Cadaado gaareen ciidamo ka socdo ciidamada nabad ilaalinta ee Amison si ay u xoojiyeen amaanka magaalada Cadaado , waxaana ciidamadaasi la geeyey goobo muhiim ah oo ay ka mid ahayd Garoonka diyaaradaha ee magaalada Cadaado iyo meelo kale oo gaar ah.

Gudiga doorashooyinka ayaa shaaciyey in maamulka Galmudug ay soo gudbiyeen ergada 20 kursi oo ka mid ah 36 kursi ee ay ku leeyihiin aqalka hoose ee baarlamaanka dowladda Federaalka ah.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka heer gobol ee Galmudug Marwo Sahro Maxamed Maxamuud ayaa shaacisay in howshu ay meel wanaagsan u mareyso isla markaana ay aad ugu rajo weyntahay in waqtigii loogu talagalay ku dhacdo, ayada oo an wax dhibaata ka imaanin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment