3633 Views

Baaq ku socdo Puntland iyo Galmudug

Baaq ku socdo Puntland iyo Galmudug
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 24, 2016: Ayada oo weli xiisado colaadeed ay ka jiraan qeybo ka mid ah Gobolka Mudug gaar ahaa Galbeedka Magaalada Gaalkacyo ayaa Hay’adda Culimada Soomaaliyeed  waxa ay ku cel celinaysaan in la joojiyo Dagaalada Gaalkacyo ee weli socda.

Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa weli waxa ay isku hor fadhiyaan Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana Culimada ay ku baaqayaan Ciidamadaasi in la kala qaado, kadibna ay wada hadal isugu yimaadaan Guddiyo matalaya labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad  oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed  ayaa sheegay xilligan wixii ka dambeeya Gaalkacyo in aysan xamili karin Dagaal labada dhinac u dhaxeeya ee an micno weyn lahayn.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxa ay tahay mid degan inkastoo weli la filan karo Dagaal maadaama weli labada dhinac ay is horfadhiyaan oo an la kala qaadin.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment