4911 Views

Galmudug Oo Eedeysay Puntland

Galmudug Oo Eedeysay Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 26, 2016: Maxamed Xaashi Cabdi Carabay, Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay diyaar u yihiin nabadeynta Magaalada Gaalkacyo oo ay maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayeen maamulada Puntland iyo Galmudug.

Madaxweyne ku xigeenka Carabay ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan cid walba oo ka qeyb qaadanaysa joojinta Colaada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maamulka Puntland ayuu ku eedeeyay in ay wadaan colaadda Magaalada Gaalkacyo , asagoo sheegay in Puntland ay qaadanayso waxii ka yimaada dagaalka ka socda Gaalkacyo.

Ugu dambesti Beesha Caalamka ayuu u sheegay Maxamed Xaashi Cabdi Carabay in ay Galmudug kala hadleen sidii loo joojin la haa dagaalka Gaalkacyo.

Muddo bil ku dhow, ayaa Magaalada Gaalkacyo waxaa ku dagaalamaaya Maamulada Puntland iyo Galmudug , waxaana ku barakacay dhammaan dadkii kunool magaaladaasi, ayaga oo an wax dambi ah ku lahayn xiisadda ka socota Gaalkacyo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment