3486 Views

Dowladda Soomaaliya oo amartay in la xiro Safaaradeeda Yamen.

Dowladda Soomaaliya oo amartay in la xiro Safaaradeeda Yamen.
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 31, 2016: Cusmaan Axmed Maxamed, Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ahna sii haya Safiirka Soomaaliya ee Yemen, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in muddo bil gudahood lagu xiro Safaaradda Sanca ee dalka Yamen.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu amray in si deg deg ah lagu xiro Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Sanca ee caasimada dalka Yemen.

“Waxaa rabaa inaa idin sheego in Safaaradda Sanca ay mudadii ugu dambeysay ay haysay shaqooyin badan oo ka mid ahaa daad-gureynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan ee dalka Yemen, waxaa soo baxday oo hada taagan in dowladda Soomaaliya amartay in la xiro Safaaradda, waxaa na soo gaaray warqad nooga timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo la leeyahay hala xiro muddo bil gudaheed, kuma cada warqadaas sababta loo xirayo”ayuu yiri Qunsulka Soomaaliya ee Safaaradda Sanca Cusmaan Axmed Maxamed.

Cusmaan Axmed Maxamed, ayaa sheegay in sababaha loo xirayo Safaaradda ay tahay in dowladda ay qaadatay go’aan ah ay ku taageereyso dowladda sharciga ah ee dalka Yemen, sidaas darteedna aysan xilligan suura gal aheyn in Safaarad ka sii furnaato magaalada Sanca oo ay gacanta ku hayana Xuutiyiinta.

Qunsulka oo u waramayay Idaacada SIMBA ee ka howl gasha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hadii ay xiran Safaaradda Soomaaliya ee Sanca ay keeneyso dhibaato weyn oo soo wajahda Soomaalida ku sugan dalka Yemen.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan cambaareysay gantaalkii Kooxaha Xuutiyiinta Yemen ku tureen magaalada Barakeysan ee Makkah Al-Mukarama, waxaana dowladda horay u taageertay isbaheysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga ee dagaalka kula jira Kooxaha Xuutiyiinta ee ka dagaalama aagaas.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment