3294 Views

Doorashada xildhibanada aqalka hoose oo billaabatay

Doorashada xildhibanada aqalka hoose oo billaabatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 05, 2016: Wararka noga imanayo magaalada Garowe, ayaa  sheegaya in halkaasi ay ka bilaabatay doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka, kuwaasi oo ka imaanaya deegaanada Puntland ee laka duwan.

Doorashada aqalka hoose ee ka bilaabatay magaalada Garowe ayaa waxaa la filayaa iney ka dhacdo magaalooyinka xarumaha u ah maamul goboleedyada dalka Soomaaliya oo dhan.

Hoolka doorashada ka dhaceyso waxaa haatan ka socoto xaadirinta ergooyinka doorashada sameynaya, waxaana doorashada aqalka Hoose noqoneysaa Puntland iney ugu horeysay doorashadan maanta billaabatay.

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay sheegay ind doorashooyinka aqalka hoose todobaadkaan ka dhacayaan dhamaan caasimadaha maamul goboleedyada Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo xildhibaanada lasoo dooranayo ayaa ku sugan magaalada Garowe gaar ahaan halka doorashada maanta ka dhaceyso.

Si weyn ayaa amaanka loo adkayay, waxaana ciidamo badan la dhigay goobaha doorashada ka dhaceyso maanta si amniga loo sugo.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment