4035 Views

Maxay ku heshiiyeen labadan mas’uul?

Maxay ku heshiiyeen labadan mas’uul?
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 12, 2016 – Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dunta siyasaadeed ku xidhay Guddoomiyaha Baarlamaana Soomaaliya Maxamed Sheikh Jawaari.

Prof. Jawaari oo mar kale Xildhibaanimo loogu soo soo doortay magaalada Baydhabo ayaa hada u muuqda mid saaxiib dhow la noqonaya Xasan Sheikh Maxamuud oo isbaheysi siyasadeed badan uu ka horjeedo.

Ilo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Xasan Sheikh Madaxtooyada uu uga yeeray Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari si uu kagala hadlo arimo badan oo quseeya doorashada Soomaaliya.

Warar kale oo hoose ayaa tibaaxaya in Jawaari uusan sanadkaan damacsaneyn qabashada xilka gudoomiyaha Baarlamaanka sida uu kula heshiiyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka Jawaari iyo Xasan Sheikh ayaa muhiimadiisu aheyd sidii uu Jawaari ku soo xera gelin lahaa Xildhibaanada lagu doortay Baydhabo ee Koonfur Galbeed ku matalaya Baarlamaanka Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, is-xulufeysi siyaasadeed ayaa dalka ka socda, waxaana musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee dalka u kala ordayaan iney helaan xildhibaano badan oo cododkooda ku kalsoon yihiin.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment