2973 Views

Geedi: Waxaan ahay musharrax u taagan xilka madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya

Geedi: Waxaan ahay musharrax u taagan xilka madaxweyne-nimada dalka Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 16, 2016 – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa Muqdisho si rasmi ah kaga dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimo ee dalka sanadka 2016 iyo 2020-ka.

Munaasabad kooban oo ka dhacday Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayuu Mr Geedi ku soo bandhigay musharaxnimadiisa,waxaana goob joog ah ahaa mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda iyo qaar ka mid ah Bulshada rayidka.

Cali Maxamed Geedi oo horay dalka Ra’iisal wasaare uga soo noqday Dowladdii Alle ha u naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa hada markii labaad shaaciyay rabitaankiisa xilka ugu sareeyay dalka.

Wuxuu sheegay in Hadii ay suurta gasho in dalka lagu aamino uu la imaan doono isbedel siyaasadeed oo horay loo arag, islamarkaana uu ka shaqeyn doono amniga,Cadaalada iyo in la wanaajiyo xiriirka dibada.

.

.

.

Xigasho Horumar Online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment