2832 Views

Waqti cusub oo loo qabanayo Doorashada Madaxweynaha!

Waqti cusub oo loo qabanayo Doorashada Madaxweynaha!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December 17, 2016 –  Wararka laga helayo Guddiga Doorashada Dadban ayaa sheegaya in dib u dhac hor leh ku yimid waqtigii loo qabtay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa dib u dhac ku yimid Dhaarinta xildhibaanada cusub oo lagu waday in 15-kii Bishan la dhaariyo, waxaana hadda iska cad in xilligii aya ahayd in la doorto Guddoonka Baarlamaanka labada aqal isna dib u dhacayo.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in waqti cusub oo ah aakhirka Bisha Janaayo 2017 haddal oo qoondeynayo inay dhacdo Doorashada Madaxweynaha iyadoo hortaanka Janaayo la dooranayo Guddoonka.

Beesha caalamka iyo Guddiga Doorashooyinka ayaa culeys saarayay inaysan doorashadu dhaafin 2016, waxayna ahayd rajada ugu dambeysa in doorashadu ku dhacdo gudaha bishan Disembar taasoo hadda meesha ka sii baxeysa.

Muranka ka taagan xildhibaano la isku heyso, xubnaha Aqalka sare ee loo qoondeeyay Somaliland iyo loolanka musharixiinta xilka madaxweynaha ee Madasha ka mida ayaa xaaladda uga sii daray.

.

.

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment