3639 Views

Axmad Madowe oo shir deg-deg ah laqaatay wasiirada Jubbaland.

Axmad Madowe oo shir deg-deg ah laqaatay wasiirada Jubbaland.
____________________________________________________________________________

Kismaayo | December 18, 2016 – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Shir Gudoomiyay kulan aan caadi ahayn oo Golaha Wasiirada ay ka yeesheen Xaaladahii ugu danbeeyay gaar ahaan Dagaalo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo kamid ah Jubbada Hoose.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayen Labada Madaxweyne ku xigeen iyo dhamaan Xubnaha Golaha ee aan hawlaha shaqo dalka kaga maqnayn ayaa waxaa Madaxweynahu uu Wasiirada uga xog waramay xaaladahii u danbeeyay ee Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Dagaalo adag oo Ciidamada qalabka sida ay la galeen Al-Shabaab.

axmed-madoobe-shir-la-qaatay-wasiirada-jubbaland2

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dagaalo adag oo ka dhacay deeganada Beerxaani iyo Golashimbi ay Ciidamada qalabka sida halkaas ku dileen qaar badan oo kamid ah Kooxaha Nabad diidka ah oo dhibaato badan ku hayay dadka Xoolo dhaqatada ah.

Waxa uu xusay in ay Talaabo adag Ciidamadu ka qaadeen oo ay ka soo furteen qaar badan oo kamid ah Xoolahii ay afduubka u haysteen kuwa kalena ay ku daba jiraan.

Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in dadka deeganku ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab la dagaalamaan qaar badan oo kamid ahna la hubeeyay si ay isku difaacan.

axmed-madoobe-shir-la-qaatay-wasiirada-jubbaland3 axmed-madoobe-shir-la-qaatay-wasiirada-jubbaland4 axmed-madoobe-shir-la-qaatay-wasiirada-jubbaland

.

.

.

Xigasho: Horumar Online, Muqdisho

______________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment