2778 Views

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray xubnaha labada Gole ee maanta la dhaariyay

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka oo hambalyo u diray xubnaha labada Gole ee maanta la dhaariyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | December27,2016 – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa hambalyo ku aadan furitaanka kala-fadhiga 1aad ee Baarlamaanka 10aad u diray dhamaan xubnaha labada Gole ee maanta la dhaariyay.

Mudane Maxamed Cumar Carteh oo kamid ahaa Xildhibaanada maanta la dhaariyay ayaa ku baraarujiyay dhamaan Xildhibaanada in ay ka dhabeeyaan ballanta ay ka qaadeen Alle.

rwx-carte-congratulate-1

“Hamblayo ayaan u dirayaa dhamaan Xubnaha labada Gole ee maanta kala-fadhiga 1aad ku kulmay, Waxa aan u dhaaranay danta dalka, dadka, adkaynta dawladnimada iyo diinta; waa in aan la nimaadnaa ficilo ka tarjumaya rabitaanka dadka Soomaaliyeed”.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa sidoo kale sheegay in dhaarinta labada Gole ay tahay horumar laga gaadhay dawlad Soomaaliyeed oo hanaqaadda.

“Furitaanka kala-fadhiga 1aad waxa ay ka dhigantahay horumar iyo bisayl siyaasadeed oo ay gaadheen dadka Soomaaliyeed maadaama Xildhibaanada laga soo doortay Dowlad Goboleedyada; Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan in aan yool ka dhigano horukac dhaqaale iyo mid amni oo dalku gaadhu”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa ciidamada amniga, guddiyada doorashooyinka dadban ee heer fedeeral iyo heer dawlad goboleed, odayaasha dhaqanka, iyo ergooyinkii doorashada dadban ka qaybqaatay uga mahad celiyey sida fiican ee ay doorashooyinku si nabad ugu qabsoomeen.

rwx-carte-congratulate-4 rwx-carte-congratulate-3 rwx-carte-congratulate-2

.

.

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment