6579 Views

Faysal Cali Waraabe: “Musharixiinta Soomaaliya qaarbaa khatar nagu ah…”

Faysal Cali Waraabe: “Musharixiinta Soomaaliya qaarbaa khatar nagu ah…”
____________________________________________________________________________

Hargeysa | January 24, 2017 – Murashaxa xisbiga mucaaradka ee Ucid oo ka qeybgalay xaflad lagu daahfurayay wakaalad cusub oo loo sameeyay qurba joogga Somaliland o “Somaliland Diaspora Agency” ayaa ka hadlay qaddiyadda goonni isutaagga Somaliland oo dib loogu soo celiyay Soomaaliya, wakhtiga wadahadalka Somaliya iyo Somalialnd, iyo madaxda la filayo iney madaxtooyada Soomaaliya ku fariistaan.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in qaar kamid ah musharixiinta ka tartamaya magaalada Muqdisho inay halis ku  yihiin Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu horeyn wuxuu soo hadal qaaday wadahadalka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ee dhacaya bisha May, wuxuuna yiri:-

“Qadiyaddeenna waxaa lagu yidhi waa qadiyad Soomaaliyeed, Soomaali ayaa lagu soo celiyay, Soomaaliya ayaa la yiri wadahadla, bisha May waxaa la yiri ha la isku yimaaddo, bisha May maxaan u baahannay?, horta waa ineynu national plan-kii sameynaa wixii la bixinayay weelkii aanu ku dooneynay waa ineynu sameynnaa oo xoogga saarnaa in February national plan-kii sameynno”.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in musharixiinta halista ku ah Somaliland inaysan haboobeyn inay soo baxaan sanadkaan, sida uu hadalka u dhigay.

Dowlad baa halkan Soomaaliya ka soo socota, intaas oo musharrax baa jira dowladaa jira kala wata, raggaa meesha ordaya qaar khatar bay nagu yihiin, qaar wali manaqaanno oo hadda ayay soo galayaan, dowladaha kala wata qaarbaynu jaar nahay, qaarbaynu saabxiib la nahay, ragga ay wadaan hadday khatarta inagu hayaan waa ineynu nidhaahnaa ka daa niman kaasi khadar bay nagu hayaan saaxiib baynu nahay Waa Ineynu Ogaannaa Yaa Imanaya!,ayuu hadalkiisa ku daray.

Maalmaha soo aaddan ayaa la filayaa in dalku uu yeesho madaxweyne, kaas oo ay si wadajir ah u soo dooran doonaan labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo isla maantaba ka shiraya diyaarinta guddiga doorashada madaxweynaha.

.

.

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment