6108 Views

Ethiopia iyo Guusha Farmaajo

Ethiopia iyo Guusha Farmaajo
____________________________________________________________________________

Addis Ababa | February 13, 2017 – Waxaa isa soo taraaya dareenka ay Dowlada Ethiopia ka qabto Guusha Madaxweynaha Qaranka Somalia Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Dowlada Ethiopia ayaa arrin la yaab leh ku tilmaantay Guusha Maxweyne Farmaajo kadib markii ay sheegtay in dalka Somalia uu ka curtay isbedel Siyaasadeed oo dhabar jabinkara hankeeda Siyaasadeed.

La-taliyaha gaarka ah ee Ra’isul wasaaraha dalkaasi Tedros Adhanom oo horayna u ahaan jiray Wasiirka Arimaha dibada Ethiopia, oo si kooban ula hadlaayay warbaahinta dalkaasi ayaa sheegay in Guusha Farmaajo ay ka dhigan tahay Guusha shacbiga Soomaaliyeed waxa uuna carab dhabay in Madaxweynaha cusub uu ka rajeynaayo xoojinta xiriirka kala dhexeeya Dowladiisa Ethiopia.

Tedros Adhanom, ayaa sheegay in dhankooda ay ka xoojin doonaan xiriirka balse ay wanaagsanaan laheyd in Farmaajo uu khibrad ka kororsado shaqsiyaadkii isaga ka horeeyay.

Tedros Adhanom, ayaa sheegay in Ciidamada Ethiopia ee haraadiga ku ah Somalia ay u taagnaan doonaan la shaqeynta Dowlada Cusub ee u curatay Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in Somalia ay u joogan dano gaara marka laga soo tagto la dagaalanka Al-shabaab.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, ayuu ugu baaqay in mowqif gaara uu ka istaago Al-shabaab si buu yiro loo ciribtiro dhaqdhaqaaqyadooda kusii baahaya Somalia.

Haddalka Tedros Adhanom, ayaa imaanaya xili Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ay jaan rogeen axdigii ahaa inay soo saaran Musharaxa ay wadatay Ethiopia.

.

.

.

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment