4032 Views

Iska hor imaad shacabka Muqdisho iyo Ciidamada AMISOM

Iska hor imaad shacabka Muqdisho iyo Ciidamada AMISOM
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Februray 14, 2017 – Ciidamado ka tirsan AMISOM iyo dad shacab ah oo uu dagaal ku dhexmaray magaalada Muqdisho Tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waxaa soo badanayey cadaadiska ay shacabka saarayaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho.

Haddaba salaadii maqrib ka hor xilliga Muqdisho ciidamo ka tirsan AMISOM oo watay gawaarida gaashaaman ayaa baabuur BL dadweynaha ah jug ku gaarsiiyey agagaarka suuqa beerta jaadka kusoo dago ee magaalada Muqdisho.

Markii ay falkaan geysteen ciidamada AMISOM ayaa damcay inay isaga baxsadaan meesha balse waxay dagaal culus oo loo adeegsaday Dhagxaan kala kulmeyn dadkii shacabka ahaa ee suuqa buuxay taasoo keentay inay ciidamada AMISOM iyagana rasaas xoog leh kor u ridaan.

Dadkii shacabka ahaa ee dhagxaanta watay ayaa ciidamadaas u diiday inay ka gudbaan halkaas iyagoo u socday jidka aado Ex- Control afgooye.

Markii ay xaaladda ku xumaatay ciidamada AMISOM ayaa go’aansaday inay dib uga baxsadaan halkaas Waxayna dib ugu laabteen halkii ay ka imaadeen waxayna qaadeen wadada aado KM4 iyadoo la arkayey dadka oo dhagxaan ku ceersanaayo.

Shilkaan ay geysteen Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ku dhintay wiil Soomaali ah waxayna shacabka iyo ciidamada falka geystay is hortaagnaayeen muddo 30 daqiiqo ah taasoo keentay inay ugu dambeyn dib u cararaan.

Ugu dambeyn, Shacabka Muqdisho ayey kusoo xoogeysatay naceybka ay u qabaan ciidamada Africa ka socdo ee ku sugan Soomaaliya tan iyo markii Farmaajo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online Muqdisho

_________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment