3921 Views

Ciidanka amniga Somaliland oo xabsiga u taxaabay wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon

Ciidanka amniga Somaliland oo xabsiga u taxaabay wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon
____________________________________________________________________________

Hargeysa | Febraayo ,15, 2017 – Ciidamadda Booliska Somaliland ayaa  madaarka magaaladda Hargeysa ku xidhay wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon oo ka soo laabtay safar uu ku tagay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya.

Wariye CabdiMaalik Muuse Coldoon ayaa kulamo la yeeshay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, isla markaana ka qabgalay mudaharaadyo lagu taageerayey oo magaaladda Muqdisho ka dhacay, taas oo muuqaalo uu ka khudbadaynayo lagu faafiyey baraha internetka ah.

Ciidamada amaanku wali kamay hadlin sababta loo xidhay suxufigan, haseyeeshee waxa loo malaynayaa inay xadhigaasi khuseyso dibadbaxyaddii madaxweynaha cusub lagu taageerayey.

Ugu danbeyntii, inkastoo wariyayaashu tagi karaan kana soo warami karaan magaaladda Muqdisho iyo Soomaaliya, ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn sababta dhabta ah ee loo xiray wariyaha.

.

Xigasho: Hiiraan Online

___________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment