3111 Views

Kulankii Maanta Ee Xubnaha Aqalka Sare

Kulankii Maanta Ee Xubnaha Aqalka Sare
____________________________________________________________________________

Kulanka waxaa shir gudoominayay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi  waxa  warbixinno looga dhagaystay guddiyo dhowaan loo xil saaray inay ka soo shaqeeyaan howlaha aqalka sare hor yaala,  waxayna gudiyadaasi kala ahaayeen, gudiga Amniga, gudiga miisaaniyadda, gudiga shaqaaleynta shaqaalaha aqalka sare, gudiga xeer hoosaadka Aqalka Sare, gudiga sameynta astaanta Aqalka Sare.

Sidoo kale gudoonka aqalka sare Soomaaliya waxay kulan la qaateen ergayga gaar ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Q. M. Michal kitting.

Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa sheegay in kulanka looga hadlay halka ay marayaan howlihii gudiyadii la magaacabay.

Aqalka sare ee dalka ayaa iminka gudagalay howlihiisa caadiga ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment