3942 Views

Maxaad ka ogtahay in Xildhibaano badan ay u hanjabeen Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Maxaad ka ogtahay in Xildhibaano badan ay u hanjabeen Ra’iisul Wasaare Kheyre.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | Maarso 19, 2017 – Xildhibaanno badan oo qaarkood saaxiib dhow la ahaa madaxweynihi Hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, qaarkoodna mucaarad ku ahaa ayaa hadda waxay billaabeen in waddo walbo oo ay wasiir ku helayaan iney u maraan.

Qaar kamid ah xildhibaannada oo laga xusay Goodax Barre, iyo Daahir Amiin Jeesow ayaa ugu goodiyey Ra’iisul wasaarahe Xasan Cali Kheyre, haddii aaney xilal helin in mooshin ay ka keeni doonaan.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in iyagu ay xaq u leeyihiin in xilal loo dhiibo, waa haddii xildhibaannada ay kamid noqonayaan golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo diyaarsaday wasiirradiisa ayaa xildhibaannada la soo hadlay u sheegay in wixii uu sameyn lahaa sameeyey, islamarkaana aanu hadda u istaagi doonin hanjabaad ama wax lamid ah.

Soo magacaabista golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda Kheyre, ayaa dhowr jeer hore dhib u dhac ku yimid, iyadoona iminka weli aysan muuqan xilliga kama dambeysta ah ee lagu dhawaaqi doono..

.

.

Xigasho: Horumar Online

__________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment