3474 Views

Isku Day Larabo in Lagu Hor Istaago Waxqabadka Dowlada.

____________________________________________________________________________

April 8, 2017

Isku Day Larabo in Lagu Hor Istaago Waxqabadka Dowlada.

 

Horaa loo yiri “dha dhanshaa waalan, dhargaana ka daran”

 

Sida ay sheegayaan, warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoonyahay, ayaa waxay sheegayaan in ay jiraan isku day larabo in lagu hor istaago wax qabadka Dowlada Cusub, sababa la xiriira dana gaar ah oo ay wataan kooxo isbahaystay.

Wararkan ayaa waxa ay sheegayaan in ay jireen Shirkado barayfit ah oo heystay Qandaraasyo lagu qabanayo Shaqooyinkii dowlada, si loogu NAAS NUUJIYO dad gaar ah, iyadoo ay jiraan TUHUNO ah in ay sheerar  ku leeyihiin Shirkadahaas Shaqsiyaad isugu jiro Xildhibaano iyo Wasiiro.

Hadaba waxaa la sheegayaa in qaar ka mid ah wasiirada cusub ay isku dayeen in ay dib u eegis ku sameeyaan Qandaraasyadii hore iyo Shaqooyinka ay qabanayeen shirkadahaas, waayo Shaqooyinka qaar waa Shaqooyin ugaar ah dowlada, mana aha in ay qabtaan dad Shacab ah, waayo waxaa ku fashilmi karo Sirta dowlada, waana arin ka MAMNUUC ah nidaamka dowliga ah, waayo hadii shacab uu qabanayo shaqooyinkii dowlada, maxaa looga bahan yahay dowlad?

Waxaa soo shaac baxay in ay Xildhibaano, Wasiiro iyo Ganacsadii lahayd shirkadahaas ay wadaan Hanjabaad iyo Cabsiis larabo in wasiirada Cusub lagu ogoleysiiyo in aysan Faraha la soogelin shaqooyinkaas, taasina waxay ku tusinaysaa heerka uu marayo Musuq Maasuqa iyo in ay kooxo yar ku daneystaan magacii dowlada.

Waxaan soo ogaanay in dacwooyinka qaar ay gaareen MADAXDA SARE, welina aan laga helin wax jawaab ah, waxaana loo maleynayaa in ayaga naftooda ay gaartay HANJABAADA, si loo sharjabiyo isbedelka ay wadaan, taasina waxay DHAWAC wayn ku noqondoontaa ISBEDELKA CUSUB ee laga sugayo dowlada.

War iyo dhamaan Golaha Shacabka iyo Xukuumada, waxaa laga rabaa in si deg deg ah ugu sameeyaan DIB u EGIS dhaman Qandaraasyada horey loo bixiyey ee la xiriira Shaqooyinka dowlada iyo Dhulalka dowlada, waana in la kala saaro shaqooyinka dowlada si gaar ah u qabato iyo shaqooyinka uu shacabka qaban karo.

Waxaa kale oo loo bahan yahay ama waajib ah in dowlada ay soo Bandhigto Qandaraasyada Mashaariicda waana in Fursad loo siiyo Shirkadaha Barayfitka ah in ay si XOR ah ugu tartamaan dhamaan Qandaraasyada ay bixinayaan EGo-yada iyo Hey’adaha dowliga ah, si loo tuso umada in ay soo laabatay Cadaaladii dhuntay.

Ugu dambeyn amarka dowlada waa in uu shaqeeyaa, iyadoo la adeegsanayo Sharciga iyo Cadaalada, mana ah in dadka qaar la siiyo waxaysan XAQ u lahayn iyadoo laga BAQAYO SHARTOODA, waana in uu jiraa isla xisaabtan dhab ah, si loo ogaado wax qabadka dowlada in uu ku socdo dariiqa toosan ee larabo in lagu gaaro Goolka GUUSHA iyo Nabada. Midna aan ogaano, nin walbana wuxuu heli doonaa wuxuu kasbado WANAAG iyo XUMAAN.

Horaana loo yiri “nin lagu seexdow, ha seexan”

 

W/Q Cumar Farax

Qaranimo-online

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment