2979 Views

Dowladda Federaalka oo diyaarad gargaar sida u direysa Dhuusa Mareeb

Dowladda Federaalka oo diyaarad gargaar sida u direysa Dhuusa Mareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | April 18, 2017–-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta u direysa magaalada Dhuusa Mareeb, diyaarad sida gargaar, kaasoo loogu tala galay dadka ay abaaraha ay saameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in diyaaradan oo sida raashin gargaar maanta oo Talaado ah loo diri doono Dhuusa Mareeb.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu xalay la qaatay Wafdiga Ahlusuna ee uu hoggaaminayay Sheekh Shaakir oo ay goob joog ka ahaayeen Madaxda maamul goboleedyada.

Wada hadalada u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlusuna ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo wada hadaladan ay garwadeen ka noqon doonto dowladda Federaalka.

Ahlusuna Wal-jameeca ayaa horay u saluugsaneyd qaabka wada hadaladan ay dowladda u agaasimeyso iyo Xildhibaano ay diidaneyd in wada hadalada lagu soo daro, kuwaasoo ay ku eedeysay inay qeyb ka ahaa dagaaladii Dhuusa Mareeb iyo Guriceel.

Wada hadalada Galmudug iyo Ahlusuna ayaa hadii uu guuleysto, waxaa lagu wadaa in maamul ay ku mideysan yihiin labada dhinac la dhiso, iyadoo wixii ka soo baxa shirkan uu go’aamin doono cida noqoneysa Madaxweynaha Galmudug.

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment