3990 Views

Dowlada Somalia Oo Safiir Cusub U magacabi doonto Dalka Uk

Dowlada Somalia Oo Safiir Cusub U magacabi doonto Dalka Uk
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May  11, 2017 – Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ku dhawaaqdo Safiiro cusub oo u matalaya dalal dhowr ah oo ay xiriir dhow la leedahay, iyadoo lagu wado in shirka maanta ee Golaha Wasiirada lagu ansixiyo.

Diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay in la magacaabi doono safiiro dhowr ah, gaar ahaan dalalka saaxibka dhow la ah Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay Safiir u magacaabi doonto UK, waxaana lagu wadaa in loo magacaabay C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo ahaa Wasiirkii hore ee Qorsheynta, ahna xilligan madaxa qaban qaabada ee shirka London.

C/raxmaan Ceynte oo ka mid ah la Taliyeyaasha Madaxweynaha ayaa horay lagu waday in loo magacaabo Safiirka Kenya, balse waxaa hada uu qarka u saaran yahay inuu noqdo Safiirka Soomaaliya oo saldhigiisu noqon doono magaalada London.

Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay in Mr Ceynte loo magacaabay Safiirka UK ee Soomaaliya, balse aanay wali dowladdu si rasmi ah ugu dhawaaqin.

Sanadkii 2013 ayay aheyd markii u horeysay ee dowladda Soomaaliya Safiir u magacawday UK, muddo 20-sano kaddib, waxaana xilligaas loo magacaabay C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo waraaqadaha aqoonsiga ka guddoontay Boqorada Ingiriiska, balse xilka safaarada kuma sii raagin.

Sidoo kale Safiirada lagu wado in la magacaabo waxaa ka mid ah Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo lagu wado in loo magacaabo nin magaciisa lagu sheegay Xuseen Qaasim oo ka soo jeeda deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, horayna uga soo shaqeeyay.

Ninkan lagu wado in Safaaradda Kenya loo magacaabo Xuseen Qaasim ayaa la soo shaqeeyay Madaxii hore ee Kooxda UN Monitoring Group Matt Bryden.

Waxaa kaloo lagu wadaa in la magacaabo Safaaradda Soomaaliya Turkey ee Ankara oo loo magacaabi doono nin magaciisa lagu soo gaabiyay Jaamac Ceydiid.

Safaaradda Soomaaliya ee Turkey ayaa ahaa mid banaan, tan iyo markii Safiirkii hore ee xilkaas hayay Sanbaloolshe sanadkii hore uu noqday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, balse markii dambe loo magacaabo xilka Taliyaha Nabadsugida.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xubanahan aan magacyadooda kor ku soo sheegnay, si horudhac ahaan loogu sheegay in la magacaabay, isla markaana rag saaxibadoof ah ay u hambalyeeyeen.

Dhamaan boosaska loo magacaabi doona Safiirada ayaa ah kuwo banaan oo qaarkood xilal Wasiiro helay, sidaas darteedna ay tahay mid lagama maarmaan, waxaana la filayaa in magacaabista lagu saleeyo habka awood qeybsiga

 

 

 

.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment